top of page

BAARITAANAAN AAN KU SAMEEYAY IIBINTA SAAD KA CIIDAMADA XOOGGA DALKA

 

 HORDHAC

Waxaa beryahaan aad u soo badanayay eedeymo loo jeedinayo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, eedey mahaas oo ku saabsan in suuqyada magaalada muqdishu lagu kala iibsado raashinka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa baraha bulshada ka soo muuqday gaadiid ay leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka oo raashin ku dejinaya bakhaaro ku yaalla suuqyada. kooxaha soo jeediyay eedeey mahaas waxaa ka mid ah Dowladda Maraykan ka oo ka mid ah dowladaha bixiya qaar ka mid ah saadka iyo shacabka soomaaliyeed taasina waxay sababtay in la xiro qaar ka mid ah saraakiisha qaar oo masuul ka ahaa saad ka.

 

BAARITAAN MADAX BANNAAN OO AAN SAMEEYAY

 

Sida caadiga ah ciidamada Xoogga Dalka waxay saadka ka qaataan laba meel oo kala ah:

1. Hay’adda UNSOS, saadkaas oo loo yaqaana KAB waxaana qaata talisyo aad u kooban sida taliska Beledwene, Baraawe iyo ururuo kale oo aan sidaas u badneyn, xajmiga ciidamada ka qaata saadka UNSOS waa waxa ka yar 15% markii loo eego guud ahaan Ciidamadda Xoogga Dalka, Hay'adda UNSOS waxay ay bixiso waa kab, haddii aad saad ka qaadatid UNSOS ma helaysid saad kale in aad ka qaadatid Miisaaniyadda Xoogga Dalka waxaana looga gol leeyahay ka fogaasho duplicate.  Waxyaabaha kalifaya talisyada qaar in ay saad ka ka qaataan UNSOS waxaa ka mid ah: a) In Saad ka laga qaato UNSOS uu wax xoogaa ah ka badanyahay kan laga qaato Saadka Ciidamada Xoogga Dalka iyo b). In uu fududyahay process ka UNSOS ta.

Talisyada qaar ayaa aad ugu dadaala in ay UNSOS dhankeeda u doontaan Saad ka waxayna u baahantahay in aad UNSOS dhankeeda ka doonato ka in aad xiriir fiican la leedahay Wassaaradda Gaashaan dhigga waana halka laga soo go,aamiyo halka laga qaadan karo saadka ciidamada.

 2. Garaanka xoogga dalka ee ku jira miisaaniyadda dalka gaar ahaan Wassaaradda Difaaca, waa gram u qorshaysan askari kasta waxaana laga jaray mushaar ka ciidamada waxaana toos u maamula Wasaaradda Gaashaan dhigga.

 

NATIIJADA AAN HELAY BAARITAAN KA DIB

 

Ma jirtaa in la iibiyo qayb ka mid ah Saadka Ciidamadda Xoogga Dalka? “Haa, waa ay jirtaa mana ahan wax hadda bilowday, sidaas waxaa igu dhahay sarkaal ka tirsan saraakiisha ka shaqeeyo dhanka saad ka balsa waxa uu hadalka sii raaciyay in la iibiyo saad ka ma ahan arrin u daneynaysa shaqsi ama koox gaar ah balsa waa hab maamuul oo ay keentay daruuf ka dhex jirta guud ahaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wassaaradda Difaaca”.

Maxaa kalifaya in la iibiyo qaar ka mid ah Saad ka? sida caadiga ah cunnada ay bixiyaan Wassaradda Difaaca iyo UNSOS ta kuma jirto raashin loogu tala galay casho, sidaas darteed  ciidamada Xoogga waxay u baahanayaan casho waxaana laga ma maarmaan ah in la helo Digir iyo Macsaro waxaana qasab noqota in la iska iibiyo baastada , Bariiska iyo saliida cuntada lagu kariyo maadaama tiradooda ay laba jibaarantahay sabata loo iibinayo ayaana ah in lagu soo bedesho Digir iyo Saliid Macsaro, sidoo kale waxaa qasab ka dhiga in saad ka qaar la iibiyo in talisyada ay u baahanayaan qoryada dabka lagu shito oo cuntada lagu kariyo iyo sidoo kale dhuxusha oo ay ciidamada u isticmaalaan dubista canjeerada, dhamaan waxyaabahaan loo baahday sida: Digirta, Macsarada, qoryaha dabka iyo dhuxusha waa wax aan ku jirin liiska miisaaniyadda Wasaaradda difaaca iyo sidoo kale liiska waxyaabaha ay bixiyaan UNSOS ta.


"Xasan, waa sarkaal loo xiray Saad uu isku badalay kadib markii baraha bulshada la soo dhigay, wuxuu dhahay waxaan masuul ka ahaa Ururka XXaad waxay ahayd bisha Ramadaan ka, ciidamada ayaa ka gadooday in ay Baasto ku afuraan isla markaana ay Baasto ku Suxuurtaan, waxaana qasab noqotay in aan qayb ka mid ah Baastadii suuqa geeyo ugana badalo Soor iyo Caana geel, waxaana amarkaas isiiyay taliyahayga sidaas ayaana hadda u xiranahay"


MAXAA LA GUDBOON WASSAARADDA GAASHAANDHIGGA


Si looga fogaado fadeexad iyo maamul xumo la xiriirta nidaamka Adeegga iyo Saad ka Ciidamada Xoogga Dalka waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda;

  1. In lagu daro Miisaaniyadda Ciidamadda Xoogga lagu daro nuuca cunnada ay u baahanyihiin si looga baaqsado raashin isku badalidda.

  2. In laga maarmo kab ka UNSOS ta

  3. In madaxyada miisaaniyadda lagu soo kordhiyo waxyaabaha ay u baahanyihiin ciidanka sida Qoryaha wax lagu karsado, dhuxusha iyo Khudaarta asaasiga ah.

  4. In la isku aruuriyo gram ka Baastada iyo Bariis ka laga dhigo 1 waqti, bar ka soo harayna loo raro cashada.

  5. Haddii aan ba laga maarmi karin Hay'adaha kabka bixiya waa in laga codsado in ay bixiyaan nooca cuntada muhiim ka u ah Ciidamada Xoogga Dalka meeshana laga saaro cunnada gasacadaha ku jirta sida qudaarta iyo fuulka.

  6. Haddii laga ma maarmaan ay noqoto isku badalka raashinka nidaaminta ka hor waa in talisku isticmaalo shirkad private ah si looga fogaado waxyaabaha wax udhimaya sharafta ciidan ka oo ay ka mid tahay isticmaalka gadiidka ciidamada Xoogga Dalka.

  7. Wassaaradda Gaashaan Dhigga waa in ay soo af jarto nidaamkaan aan la jaan qaadi karin nidaamka procurement caalamiga maadaama ay qasab tahay wada shaqeynta Hay'ado caalami ah iyo dowladaha aan saaxiib ka nahay.



716 views1 comment

Recent Posts

See All

Hormuud: Transforming Somalia Beyond Telecommunications

Introduction Hormuud Telecom, one of Somalia's leading telecommunications companies, has not only revolutionized communication across the country but has also gone above and beyond to make a significa

Mahad leftovers in NISA

While I am not an expert of security, but lived in Mogadishu for the past 25 years makes me to believe that I can provide some recommendations to help you consider ways to further enhance the security

Post: Blog2_Post
bottom of page